Skip to content
Liiska Suuradaha /

الصَّف

الصَّف is chapter 61 of the Quran and has 14 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

14 Aayadaha Lambarka Suuradda 61
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Waxaa xurmo weyneeya oo (xumaan ka) hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لِمَ تَقُولُونَ مَا لَا تَفۡعَلُونَ

Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaad u leedihiin (oo ugu baaqdaan dadka) wax aydaan falin?

كَبُرَ مَقۡتًا عِندَ ٱللَّهِ أَن تَقُولُواْ مَا لَا تَفۡعَلُونَ

Waa wax uu Alle neceb yahay inaad ku hadashaan (oo amartaan dadka) wax aydaan falin.

إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلَّذِينَ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِهِۦ صَفّٗا كَأَنَّهُم بُنۡيَٰنٞ مَّرۡصُوصٞ

Xaqiiq Alle wuxuu jecel yahay kuwa ku dagaallama Jidkiisa iyagoo saf ah aad mooddo dhismo laysku dhajiyey.

وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِۦ يَٰقَوۡمِ لِمَ تُؤۡذُونَنِي وَقَد تَّعۡلَمُونَ أَنِّي رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيۡكُمۡۖ فَلَمَّا زَاغُوٓاْ أَزَاغَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُمۡۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡفَٰسِقِينَ

(Xus, Nabi Muxammadow) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkayow! Maxaad ii dhibeysaan idinkoo og inaan ahay Rasuul Alle xaggiinna loo soo diray? Markay (Xaqii) ka iisheen, ayuu Allena sii iilay quluubtooda . Alle ma hanuuniyo qoloda fallaagada ah.

Explanation & meanings · 1
  1. Sababta waxaa weeye waxay ka iisheen Xaqa oo diideen hanuunka, markaasuu Alle sii iilay quluubtooda oo ay ka sii fogaadeen Xaqa.