Skip to content
البَقَرَة /

Aayad 102

2 : 102

Aayad 102 of البَقَرَة (2 : 102). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

البَقَرَة Aayadaha 286
Suurad · البَقَرَة
Soomaaliga · Yacob
2 : 102

وَٱتَّبَعُواْ مَا تَتۡلُواْ ٱلشَّيَٰطِينُ عَلَىٰ مُلۡكِ سُلَيۡمَٰنَۖ وَمَا كَفَرَ سُلَيۡمَٰنُ وَلَٰكِنَّ ٱلشَّيَٰطِينَ كَفَرُواْ يُعَلِّمُونَ ٱلنَّاسَ ٱلسِّحۡرَ وَمَآ أُنزِلَ عَلَى ٱلۡمَلَكَيۡنِ بِبَابِلَ هَٰرُوتَ وَمَٰرُوتَۚ وَمَا يُعَلِّمَانِ مِنۡ أَحَدٍ حَتَّىٰ يَقُولَآ إِنَّمَا نَحۡنُ فِتۡنَةٞ فَلَا تَكۡفُرۡۖ فَيَتَعَلَّمُونَ مِنۡهُمَا مَا يُفَرِّقُونَ بِهِۦ بَيۡنَ ٱلۡمَرۡءِ وَزَوۡجِهِۦۚ وَمَا هُم بِضَآرِّينَ بِهِۦ مِنۡ أَحَدٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَيَتَعَلَّمُونَ مَا يَضُرُّهُمۡ وَلَا يَنفَعُهُمۡۚ وَلَقَدۡ عَلِمُواْ لَمَنِ ٱشۡتَرَىٰهُ مَا لَهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ مِنۡ خَلَٰقٖۚ وَلَبِئۡسَ مَا شَرَوۡاْ بِهِۦٓ أَنفُسَهُمۡۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ

Waxayna raaceen waxay shayaadiintu been shubayeen waqtiga xukunkii Sulaymaan. Sulaymaanna ma gaaloobin, shayaadiinta baase gaalowday, waxay bareen dadka sixir iyo wixii lagu soo dejiyey labadii Malag (ama boqor ama nin) ee Baabil, Haaruut iyo Maaruut, waliba labadaa cidna ma barin sixirka iyagoo horta ku yidhaahda maahee, innagu waxaanu nahay imtixaan, sidaa awgeed ha gaaloobin. Waliba markaa dadku waxay ka barteen labadaa waxay ku kala furi kareen nin iyo xaaskiis, kumana waxyeelleyn karin cidna Isagoo Alle idmo ma’ahee. Waxay barteen wax waxyeelleeyey oo aan wax tarin. Waxayna ogaayeen (Yuhuudda in) kii iibsadaa (oo doortaa sixir halka Kitaabka Alle) inaanu ku lahaaneyn wax saami ah Aakhirada. Xumaa qiimahii ay ku iibiyeen nafahooda, hadday ogaan lahaayeen.

Explanation & meanings · 1
  1. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii u taga faal dhige wax sheega ama saaxir oo rumeysta waxa uu sheego waa qof ku gaaloobay waxa (Qur’aanka) lagu soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w.” w.w. An-Nisaa’i.