Skip to content
Liiska Suuradaha /

المَاعُون

المَاعُون is chapter 107 of the Quran and has 7 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

7 Aayadaha Lambarka Suuradda 107
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

أَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ

Ka warran kan beeniya is abaal marinta (Aakhiro).

فَذَٰلِكَ ٱلَّذِي يَدُعُّ ٱلۡيَتِيمَ

Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan .

Explanation & meanings · 1
  1. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Aniga iyo kan daryeela agoonka oo kafaala qaada, waxaan gali Jannada innagoo sidaas oo kale ah. Wuxuuna kor u qaaday fardhexeda iyo murugsatada oo simay oo isu dhoweeyey.

وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ

Oo aan ku dhiirra gelin (dadka) quudinta miskiinka .

Explanation & meanings · 1
  1. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Qofka u dadaala oo u shaqeeya dumarka da'da ah ee laga dhintay iyo masaakiinta wuxuu heli ajar la mid ah mujaahidka u diriraya Jidka Alle ama kan habeenkii oo dhan u taagan salaad oo aan daaleyn iyo soomanaha aan afurin.

فَوَيۡلٞ لِّلۡمُصَلِّينَ

Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah),

ٱلَّذِينَ هُمۡ عَن صَلَاتِهِمۡ سَاهُونَ

Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda).