Skip to content
المَائدة /

Aayad 45

5 : 45

Aayad 45 of المَائدة (5 : 45). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

المَائدة Aayadaha 120
Suurad · المَائدة
Soomaaliga · Yacob
5 : 45

وَكَتَبۡنَا عَلَيۡهِمۡ فِيهَآ أَنَّ ٱلنَّفۡسَ بِٱلنَّفۡسِ وَٱلۡعَيۡنَ بِٱلۡعَيۡنِ وَٱلۡأَنفَ بِٱلۡأَنفِ وَٱلۡأُذُنَ بِٱلۡأُذُنِ وَٱلسِّنَّ بِٱلسِّنِّ وَٱلۡجُرُوحَ قِصَاصٞۚ فَمَن تَصَدَّقَ بِهِۦ فَهُوَ كَفَّارَةٞ لَّهُۥۚ وَمَن لَّمۡ يَحۡكُم بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ

Waxaana ugu qornay (Towraadda): in naf loo qaado naf , ilna il, sankana san, dhegtana dheg, iliggana ilig, Nabarradana waa in laysu dhaawac simo. Kiise sadaqeysta waxaa loogu dhaafi denbigiisa. Qofkaan wax ku xukumin wuxuu Alle soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa ah daalimiinta (gar diidka).

Explanation & meanings · 2
  1. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma bannaana in la daadsho dhiig qof Muslim ah oo qira inuusan jirin la caabude xaq ah aan ahayn Allaah iyo inaan anigu ahay Rasuulkii Alle haddii uusan la iman seddex arrimoood middood: Qof horay u guursaday oo zineysta, ama qof loo dilo qof uu dilay, ama qof ka baxa diinta Islaamka oo ka taga kulanka Muslimka. w.w. Al-Bukhaari.
  2. Iska saamaxa oo ka tanaasula xaqiisa Alle darti.