5 : 114
قَالَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ ٱللَّهُمَّ رَبَّنَآ أَنزِلۡ عَلَيۡنَا مَآئِدَةٗ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ تَكُونُ لَنَا عِيدٗا لِّأَوَّلِنَا وَءَاخِرِنَا وَءَايَةٗ مِّنكَۖ وَٱرۡزُقۡنَا وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلرَّٰزِقِينَ
Ciise ina Maryam wuxuu yidhi: Allahayow! Rabbigayow! Nooga soo deji xeero cunto ah samada, oo u noqota ciid kaayaga hore iyo kaayaga dambeba iyo calaamo xaggaaga ah; oo na sii risiq, Adigaa u wanaagsan inta wax arsaaqda'e.