Skip to content
38 Xadiis

Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga

Shaandhee natiijooyinka

6 ka mid ah 38 kaadh

Tirtir shaandhaynta
Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu salaada xirto in yar ayuu aamusi jiray, intaanu akhrinta bilaabin, waxaan ku iri Rasuulkii Ilaahayow, aabahay iyo hooyadayba lagugu furaye iiga waran aamuskaaga u dhexeeya xirashada salaada iyo akhrinta, maxaad tiraahdaa? wuxuu yiri: "waxaan dhahaa: Allahayow kala fogee aniga iyo dambiyadayda sidaad u kala fogaysay bari iyo galbeed, Allahayow dambiyadayda iga daahiri sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, Allahayow igaga dhaq dambiyadayda baraf, biyo iyo biyo qabow".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Sima sufuuftiina, safka oo la simo salaada dhamaystirkeeda ayey ka mid tahay."
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Qofka akhriya aayatul-kursiga salaad kasta oo faral ah gadaasheeda, ma jiro wax u diidaya inuu janada galideeda oo aan ahayn inuu dhinto".
Xadiis Saxiix ah. Nasaa.i baa kuwariyey wakayn
Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu kor u qaadi jiray gacmihiisa ilaa meel ku aadan garbihiisa markuu salaada xiranaayo, iyo haduu rukuuca u takbiirsado, iyo haduu madaxiisa kor uga soo qaadayo rukuuca, sidaas oo kale ayuu gacmihiisa kor ugu qaadi jirey, wuxuuna dhahaayey: "Ilaahay wuu maqlaa qofkii ku xamdiya, Rabiyow aday mahadi kuu sugnaatay", sidaana kuma samayn jirin sujuuda.
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Hadii midkiin ka shakiyo Salaadiisa, ee uu garan waayo seddex miyuu tukaday mise afar, hatuuro shakiga, oo ha ku dhiso-hakabilaabo- inta uu hubo, hana sujuudo labo sujuudood oo sahwi ah inta aanu salaama naqsan ka hor, haduu shan tukaday Salaadiisay buuxinayaan-sujuudu sahwigu- oo witirka ka bi'inaysaa, haduu afar buuxiyeyna shaydaankay dulaynaysaa."
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
"Qofka Ilaahay u tasbiixsada (dhaha: subxaana Allaah) Salaad kasta gadaasheed 33 jeer, ee Ilaahay ku xamdiya (dhaha: Alxamdu lilaah) 33 jeer, ee Ilaahay u Takbiirsada (dhaha: Allaahu akbar) 33 jeer, intaasi waa 99, ee ku dhamaystira inuu dhaho : laa Ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shay'in qadiir, waxaa laga dhaafaa dambiyadiisa haba le'ekaadeene daad xoorta badda."
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.