Skip to content
المَائدة /

Aayad 110

5 : 110

Aayad 110 of المَائدة (5 : 110). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

المَائدة Aayadaha 120
Suurad · المَائدة
Soomaaliga · Yacob
5 : 110

إِذۡ قَالَ ٱللَّهُ يَٰعِيسَى ٱبۡنَ مَرۡيَمَ ٱذۡكُرۡ نِعۡمَتِي عَلَيۡكَ وَعَلَىٰ وَٰلِدَتِكَ إِذۡ أَيَّدتُّكَ بِرُوحِ ٱلۡقُدُسِ تُكَلِّمُ ٱلنَّاسَ فِي ٱلۡمَهۡدِ وَكَهۡلٗاۖ وَإِذۡ عَلَّمۡتُكَ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَٱلتَّوۡرَىٰةَ وَٱلۡإِنجِيلَۖ وَإِذۡ تَخۡلُقُ مِنَ ٱلطِّينِ كَهَيۡـَٔةِ ٱلطَّيۡرِ بِإِذۡنِي فَتَنفُخُ فِيهَا فَتَكُونُ طَيۡرَۢا بِإِذۡنِيۖ وَتُبۡرِئُ ٱلۡأَكۡمَهَ وَٱلۡأَبۡرَصَ بِإِذۡنِيۖ وَإِذۡ تُخۡرِجُ ٱلۡمَوۡتَىٰ بِإِذۡنِيۖ وَإِذۡ كَفَفۡتُ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ عَنكَ إِذۡ جِئۡتَهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡهُمۡ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٞ

Marka Alle odhan: Ciise ina Maryamow! Xusuuso Nicmaddeyda aan ku dul mannaystay adiga iyo hooyadaaba, markaan kugu xoojiyey Ruuxa Daahirka (Jabriil), waxaad la hadashay dadka adigoo caydin dhashay ah iyo adigoo garmadoobe ah; iyo markaan ku baray Qoraalka, Xikmadda, Tawraadda, iyo Injiilka; iyo markaad ka yeelaysay dhoobo wax u eg shimbir Aniga Idankay, oo aad afuufaysay, markaasna ay noqonaysay shimbir Idankay, oo aad bogsiisay indhoolaha iyo baraslaha Idankayga, oo aad ku soo saartay meytida Idankeyga. Markaan kaa celiyey Ilmahii Israa’iil kolkaad ula timid Xujooyin cad, ha yeeshee kuwii gaaloobay ee ka midka ahaa yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan aheyn sixir cad.