27 : 16
وَوَرِثَ سُلَيۡمَٰنُ دَاوُۥدَۖ وَقَالَ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ عُلِّمۡنَا مَنطِقَ ٱلطَّيۡرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَيۡءٍۖ إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡفَضۡلُ ٱلۡمُبِينُ
Wuxuu dhaxlay Sulaymaan (aqoontii iyo xikmaddii) Daawuud. Wuxuu yidhi: Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, waxaana wax nalaga siiyey wax walba . Hubaal, kani waa Fadli 'Alle baxsho' oo cad.
Explanation & meanings · 1
- Nabi Sulaymaan c.s. waxaa la siiyey Nabinnimada iyo Boqortooyada kaddib aabbihi Nabi Daawuud c.s.