13 : 6
وَيَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبۡلَ ٱلۡحَسَنَةِ وَقَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِمُ ٱلۡمَثُلَٰتُۗ وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو مَغۡفِرَةٖ لِّلنَّاسِ عَلَىٰ ظُلۡمِهِمۡۖ وَإِنَّ رَبَّكَ لَشَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
Waxay (Nabiyow) ku weydiisan inaad u soo dedejiso xumaan 'Cadaab' halkii wanaagga, waxaana tagay tusaalooyin (ciqaabeed) hortood. Rabbigaa waa u denbi dhaaf badan yahay dadka dulmigooda. Rabbigaana ciqaabkiisu aad buu u Daran yahay.
Explanation & meanings · 1
- Waxay yidhaahdeen iyagoo ka hor imaanaya Nabiga s.c.w. oo ku jeesjeesaya noo keen ciqaab haddaad run sheegeyso, halkay dalbi lahaayeen naxariista Alle iyo denbi dhaafkiisa.