13 : 5
۞ وَإِن تَعۡجَبۡ فَعَجَبٞ قَوۡلُهُمۡ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبًا أَءِنَّا لَفِي خَلۡقٖ جَدِيدٍۗ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ ٱلۡأَغۡلَٰلُ فِيٓ أَعۡنَاقِهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
Haddaad yaabtana , waxaa yaab ah weedhooda: Ma markaan noqonno carro, miyaa markaas abuur cusub (nala abuuri)? Kuwan weeye kuwa ku gaaloobay Rabbigood, kuwan waxaa ahaan jeebbado luqmahooda korkood , waa kuwan ehlu Naarka, iyagoo ku dhex waari weligood.
Explanation & meanings · 2
- Aad la yaabban tahay kuwaa beeniya Towxiidka islaamka ee caabuda cid kale aan Alle ahayn.
- Silsilado bir ah oo gacamahooda lagu xirxiro iyo luqumahooda.