"Qofka akhriya aayatul-kursiga salaad kasta oo faral ah gadaasheeda, ma jiro wax u diidaya inuu janada galideeda oo aan ahayn inuu dhinto".
Abii Umaama Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Qofka akhriya aayatul-kursiga salaad kasta oo faral ah gadaasheeda, ma jiro wax u diidaya inuu janada galideeda oo aan ahayn inuu dhinto".
«مَنْ قَرَأَ آيَةَ الْكُرْسِيِّ فِي دُبُرِ كُلِّ صَلَاةٍ مَكْتُوبَةٍ لَمْ يَمْنَعْهُ مِنْ دُخُولِ الْجَنَّةِ إِلَّا أَنْ يَمُوتَ».
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka Salaadaha faralka ah gadaashooda akhriya aayatul kursiga ay janada galitaankeeda geeridu uuni ka xigto, waxayna ku jirtaa suurada Albaqara, waana Aayadaan: " Macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn majiro, waana Allaha nool, ِAllaha qayuumka ah, ma qabato lulmo iyo hurdo midna wuxuu iska leeyahay oo u sugnaaday Samooyinka iyo Dhulka waxa ku sugan oo dhan, yuu yahay midka shafeeco qaadi kara idan la'aantiisa, wuxuu og yahay waxa ka horeeya-dadka- iyo waxa ka dambeeyaba, makoobikaraan oo wax badan kama ogaan karaan cilmiga Ilaahay ee balaaran wax yar oo uu doono maahee, wuu ka balaaran yahay kursigiisu Samooyinka iyo dhulkaba, kumana adka Ilaahay ilaalinta Samooyinka iyo Dhulka, waana Allaha saraynta iyo waynida badan". [Al baqara:255]
Xadiiskaan waxaa ku cad fadliga wayn ee aayatul-kursigu leedahay, waayo waxa ku jira magacyada Ilaahay ee wanaagsan iyo sifooyinkiisa sareeya ah.
Waa Sune in la akhriyo aayadan wayn Aayad kursiga Salaad walba oo faral ah gadaasheeda.
Camalka wanaagsani wuxuu sabab u noqdaa galitaanka Janada.
Siyaadin (7)
المعجم الكبير.
للطبراني السنن الكبرى.
للنسائي (9/ 44) (9848).
توضِيحُ الأحكَامِ مِن بُلوُغ المَرَام.
للبسام (2/ 313).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام.
لعبد الله الفوزان (3/ 197).
Lagu soo xigtay buugaagta
5 BuugaagSiyaadin (5)
- الذكر والدعاء والعلاج بالرقي من الكتاب والسنة"من قرأ آية الكرسي عقب كل صلاة لم يمنعه من دخول الجنة إلا أن يموت".
- الصلاة التي علمها النبي ﷺ الصحابة رضي الله عنهمالصلاة التي علمها النبي ﷺ الصحابة رضي الله عنهم«من قَرَأَ آيَة الْكُرْسِيّ فِي دبر كل صَلَاة مَكْتُوبَة لم يمنعهُ من دُخُول الْجنَّة إِلَّا أَن يَمُوت»[136].
- الصلاة التي علمها النبي ﷺ الصحابة رضي الله عنهم«مَنْ قَرَأَ آيَةَ الكُرْسِيِّ فِي دُبُرِ كُلِّ صَلَاةٍ مَكْتُوبَةٍ لَمْ يَمْنَعْهُ مِنْ دُخُولِ الجَنَّةِ إِلَّا أَنْ يَمُوتَ»[136].
- مشروع منهاج زادكزادك 2 طالب نهائي«مَنْ قَرَأَ آيَةَ الْكُرْسِيِّ دُبُرَ كُلِّ صَلَاةٍ مَكْتُوبَةٍ لَمْ يَمْنَعْهُ مِنْ دُخُولِ الْجَنَّةِ إِلَّا الْمَوْتُ»
- نبراس طالب (2)نبراس طالب (2) «مَنْ قَرَأَ آيَةَ الْكُرْسِيِّ دُبُرَ كُلِّ صَلَاةٍ مَكْتُوبَةٍ لَمْ يَمْنَعْهُ مِنْ دُخُولِ الْجَنَّةِ إِلَّا أَنْ يَمُوتَ»