9 : 50
إِن تُصِبۡكَ حَسَنَةٞ تَسُؤۡهُمۡۖ وَإِن تُصِبۡكَ مُصِيبَةٞ يَقُولُواْ قَدۡ أَخَذۡنَآ أَمۡرَنَا مِن قَبۡلُ وَيَتَوَلَّواْ وَّهُمۡ فَرِحُونَ
Hadday samaani ku heleesho, waa murugo gelisaa (munaafiqiinta), hadday musiibo kugu dhacdona, waxay yidhaahdaan: Waxaan qaadannay digtoonidayada kal hore, waxayna sii jeestaan iyagoo faraxsan.