9 : 41
ٱنفِرُواْ خِفَافٗا وَثِقَالٗا وَجَٰهِدُواْ بِأَمۡوَٰلِكُمۡ وَأَنفُسِكُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
U baxa (dagaalka) idinkoo fudud iyo idinkoo culusba , oo kula jihaada maalkiinna iyo nafahiinnaba Jidka Alle. Arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin.
Explanation & meanings · 1
- Waa da’ yar iyo duqow, idinkoo gaadiid fuushan, ama lugeynaya, ladnaan iyo lurnaanba – duruuf iyo xaalado kasta oo aad ku jirtaan waa inaad u baxdaan jihaadka Jidka Alle ah.