9 : 102
وَءَاخَرُونَ ٱعۡتَرَفُواْ بِذُنُوبِهِمۡ خَلَطُواْ عَمَلٗا صَٰلِحٗا وَءَاخَرَ سَيِّئًا عَسَى ٱللَّهُ أَن يَتُوبَ عَلَيۡهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ
Kuwo kalena way qirteen denbiyadoo- da (ka haritaankooda jihaadka), waxay isku dareen camal wanaagsan (jihaad hore ay ka qayb galeen) iyo mid kale oo xun . Waa intaasoo Alle ka tawbad aqbalo. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Explanation & meanings · 1
- Waxay Aayaddan tilmaameysaa inay horay uga qayb qaateen Jihaadka ha yeeshee ay ka hareen duullaankii Tabuuk, oo ay leeyihiin camallo fiican iyo mid xunba.