Skip to content
المُمتَحنَة /

Aayad 10

60 : 10

Aayad 10 of المُمتَحنَة (60 : 10). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

المُمتَحنَة Aayadaha 13
60 : 10

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا جَآءَكُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتُ مُهَٰجِرَٰتٖ فَٱمۡتَحِنُوهُنَّۖ ٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِإِيمَٰنِهِنَّۖ فَإِنۡ عَلِمۡتُمُوهُنَّ مُؤۡمِنَٰتٖ فَلَا تَرۡجِعُوهُنَّ إِلَى ٱلۡكُفَّارِۖ لَا هُنَّ حِلّٞ لَّهُمۡ وَلَا هُمۡ يَحِلُّونَ لَهُنَّۖ وَءَاتُوهُم مَّآ أَنفَقُواْۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ أَن تَنكِحُوهُنَّ إِذَآ ءَاتَيۡتُمُوهُنَّ أُجُورَهُنَّۚ وَلَا تُمۡسِكُواْ بِعِصَمِ ٱلۡكَوَافِرِ وَسۡـَٔلُواْ مَآ أَنفَقۡتُمۡ وَلۡيَسۡـَٔلُواْ مَآ أَنفَقُواْۚ ذَٰلِكُمۡ حُكۡمُ ٱللَّهِ يَحۡكُمُ بَيۡنَكُمۡۖ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ

Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Hadday idiin yimaadaan haween mu’minooyin ah iyagoo ka soo haajiray (gaalada), imtixaama (inuu dhab ka yahay Iimaanka iyo in kale); Alle baa aad u ogsoon iimaankooda, haddaad ogaataan inay yihiin mu’minooyin dhab ah, ha u celinnana gaalada, uma aha (dumarkani) xalaal iyaga, umana aha (nimanka gaalada ah) xalaal iyaga oo siiya (nimakoodii hore ee gaalada ah waxay bixiyeen) meher ahaan. Ma jiro wax denbi ah oo korkiinna ah inaad guursataan markaad siisaan meherradooda, hase u haysannina haweenka gaalada (mushrikiinta) ah xaasas ahaan, oo weydiista (in la idiin soo celiyo) waxaad bixiseen (meher ahaan) iyaguna (gaalada) ha weydiistaan in dib loogu soo celiyo waxay bixiyeen (meher ahaan). Kaasu waa xukunka Alle, Isaga baa idin kala xukumi. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.