Skip to content
المَائدة /

Aayad 106

5 : 106

Aayad 106 of المَائدة (5 : 106). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

المَائدة Aayadaha 120
Suurad · المَائدة
Soomaaliga · Yacob
5 : 106

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ شَهَٰدَةُ بَيۡنِكُمۡ إِذَا حَضَرَ أَحَدَكُمُ ٱلۡمَوۡتُ حِينَ ٱلۡوَصِيَّةِ ٱثۡنَانِ ذَوَا عَدۡلٖ مِّنكُمۡ أَوۡ ءَاخَرَانِ مِنۡ غَيۡرِكُمۡ إِنۡ أَنتُمۡ ضَرَبۡتُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَأَصَٰبَتۡكُم مُّصِيبَةُ ٱلۡمَوۡتِۚ تَحۡبِسُونَهُمَا مِنۢ بَعۡدِ ٱلصَّلَوٰةِ فَيُقۡسِمَانِ بِٱللَّهِ إِنِ ٱرۡتَبۡتُمۡ لَا نَشۡتَرِي بِهِۦ ثَمَنٗا وَلَوۡ كَانَ ذَا قُرۡبَىٰ وَلَا نَكۡتُمُ شَهَٰدَةَ ٱللَّهِ إِنَّآ إِذٗا لَّمِنَ ٱلۡأٓثِمِينَ

Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maragga dhexdiinna ah markay geeridu ku soo dhowaato midkiin, marka uu dardaarmayo, waa labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ah ama labo kale oo qeyrkiin ah, haddaad socdaal ku tihiin arlada oo ay musiibada mowdku idin hesho. Labada (marag) waa inaad joojisaan salaadda (Casar) kaddib, markaa haddaad ka shakidaan , waa inay ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya): Innagu ku qaadan meyno wax dheef adduun ah arrinkani, qaraababa ha ahaadee, mana qarineyno Maragga Alle, (haddii kale markaa) waxaanu ka mid ahaan denbiilayaasha.

Explanation & meanings · 1
  1. Inay markhaati been ah fureen ama been ku dhaarteen.