2 : 82
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala , kuwaasu waa ehlu Jannada, way ku dhex waari weligood.
Explanation & meanings · 1
- Cabdullaah bin Mascuud a.k.r. Waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Rasuul Allow camal kee baa u fiican? Wuxuu yidhi: Salaadda oo waqtigeeda la tukado, wuxuu weydiiyey: Maxaa xiga? Wuxuu yidhi: Labada waalid oo la wanaajiyo oo baarri loo ahaado. Wuxuu weydiiyey: Haddana maxaa xiga? Wuxuu yidhi: In loo jihaado Alle darti. (W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim).