2 : 226
لِّلَّذِينَ يُؤۡلُونَ مِن نِّسَآئِهِمۡ تَرَبُّصُ أَرۡبَعَةِ أَشۡهُرٖۖ فَإِن فَآءُو فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
Kuwa ka dhaarta xaasaskooda , waxaa la sugayaa afar bilood , Hadday ka soo noqdaan (Muddadaa ka hor), hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Explanation & meanings · 2
- In muddo ah inaysan u galmooneyn.
- Markay dhammaato muddada afarta bilood ah uu ka dhaartay xaaskiisa, waa in la joojiyo ilaa uu ka furo. Mana dhacayo furriinka jeer uu furo.