"Qofka tukada labada salaadood ee qabaw janaduu galayaaa."
Abuu Muusa Alashcari-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Rasuulka ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- inuu yiri:
"Qofka tukada labada salaadood ee qabaw janaduu galayaaa."
«مَنْ صَلَّى الْبَرْدَيْنِ دَخَلَ الْجَنَّةَ»
Wuxuu Nabigu ku booriyey dadku inay ku dadaalaan salaada labada qabaw ee ah salaada fajarka iyo casarka, wuxuuna ugu bishaareeyey qofka labadaa salaadood xaqooda ula yimaada ee ilaaliya waqtigooda, jamaacana ku tukada, waxay sabab ugu noqdaan janada galideeda.
Xadiiska waxaa ku cad fadliga salaada fajarka iyo casarka, waayo fajarku waa waqtiga hurdadu ugu macaan tahay, casarkuna wuxuu ku beegan yahay waqti dadku ku mashquul yahay shaqadiisa, qofka labadaa salaadood ilaaliya waa hubaal inuu kuwa kalana ilaalinaayo.
Salaada fajarka iyo casarka waxaa lagu magacaabay labada qabaw, waayo salaada subax waxaa jooga qabawga habeenka, salaada casarna waxaa jooga qabowga maalintii inkasta oo ay tahay waqti kulul waxayse ka qabowdahay waqtigii ka horeeyey ama waxaa loogu magacaabay in magacu qaalib ka noqday sida loo yiraahdo qoraxda iyo dayaxa: Alqamaraan.
Saxiix AlBukhaari. (1/ 119) (574).
Saxiix Muslim. (1/ 440) (635).
Siyaadin (4)
نزهة المتقين.
لمجموعة من الباحثين (1/ 159).
شرح رياض الصالحين.
لابن عثيمين (2/ 187).
Lagu soo xigtay buugaagta
3 BuugaagSiyaadin (3)
- المنتقى من المتجر الرابح في ثواب العمل الصالح - المعتمدالمنتقى من المتجر الرابح في ثواب العمل الصالح“من صلى البردين دخل الجنة”.
- رياض الصالحينرياض الصالحين مع فوائد وهدايات - 1 «مَنْ صَلَّىٰ الْبَرْدَيْنِ دَخَلَ الْجَنَّةَ».
- رياض الصالحينرياض الصالحين مع فوائد وهدايات - 5«مَن صلَّىٰ البَرْدَيْنِ دَخَلَ الجَنَّةَ».