Skip to content
الطَّلَاق /

Aayad 4

65 : 4

Aayad 4 of الطَّلَاق (65 : 4). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

الطَّلَاق Aayadaha 12
Suurad · الطَّلَاق
Soomaaliga · Yacob
65 : 4

وَٱلَّٰٓـِٔي يَئِسۡنَ مِنَ ٱلۡمَحِيضِ مِن نِّسَآئِكُمۡ إِنِ ٱرۡتَبۡتُمۡ فَعِدَّتُهُنَّ ثَلَٰثَةُ أَشۡهُرٖ وَٱلَّٰٓـِٔي لَمۡ يَحِضۡنَۚ وَأُوْلَٰتُ ٱلۡأَحۡمَالِ أَجَلُهُنَّ أَن يَضَعۡنَ حَمۡلَهُنَّۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّهُۥ مِنۡ أَمۡرِهِۦ يُسۡرٗا

Kuwa ka mid ah haweenkiinna ee ka quustay xaydka (dhiigga caadada), haddaad shakideen, ciddadoodu waa seddex bilood, iyo kuwa (sidoo kale) aan weli helin xaydka. Kuwase uurka leh (haddii la furo) ciddadooda waa intay ka dhigaan culeysyadooda oo ka dhalaan . Qofkii dhowra (amarrada) Alle (oo ka dhowrsada xumaha) wuxuu uga dhigi arrinkiisa wax u fudud.

Explanation & meanings · 1
  1. Xukunkan waxaa sidoo kale soo galaya marka uu ninka dhinto, haweenta uu ninkeeda dhinto iyadoo uur leh, ciddadeeda waa intay ka dhasho.