25 : 32
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡلَا نُزِّلَ عَلَيۡهِ ٱلۡقُرۡءَانُ جُمۡلَةٗ وَٰحِدَةٗۚ كَذَٰلِكَ لِنُثَبِّتَ بِهِۦ فُؤَادَكَۖ وَرَتَّلۡنَٰهُ تَرۡتِيلٗا
Gaaladu waxay yidhaahdeen: Maxaa Qur'aanka loogu soo dejin waayey mar keliya isagoo dhan”? Sidaasu waa si aan ugu sugno laabtaada , waxaana u soo Waxyoonnay oo kuugu akhrinnay qayb qayb si aayar ah iyo tartiib.
Explanation & meanings · 1
- Macnaha waxaa Qur’aanka looga dhigay Aayad Aayad iyo Suurad Suurad oo loogu soo dejiyey qaybqaybta 23 sano gudahood si aan ugu sugno laabtaada.