Skip to content

"Ilaahay darti sujuuda u badi, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin dambina wuu kaaga dhaafin

Macdaan Binu Abii Dalxa Alyacmari -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri:

Waxaan la kulmay Thowbaan oo ah mawlihii (adeegihii) Rasuulka (kii Nabigu xoreeyey), waxaan ku iri: ii sheeg camal aan falo oo Ilaahay janada igu geliyo? ama wuxuu yiri: waxaan ku iri: camalka Ilaahay ugu jecel yahay, wuu aamusay. hadana waan weydiiyey wuu aamusay. mar saddexaad baan weydiiyey wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan weydiiyey su'aashaa, wuxuuna yiri: "Ilaahay darti sujuuda u badi, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin dambina wuu kaaga dhaafin" wuxuu yiri Macdaan: hadana waxaan la kulmay Abu dardaa waxaana weydiyey -su'aashaas- wuxuuna igu yiri: sidii Thowbaan ii sheegay oo kale.

لَقِيتُ ثَوْبَانَ مَوْلَى رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَقُلْتُ: أَخْبِرْنِي بِعَمَلٍ أَعْمَلُهُ يُدْخِلُنِي اللهُ بِهِ الْجَنَّةَ؟ أَوْ قَالَ قُلْتُ: بِأَحَبِّ الْأَعْمَالِ إِلَى اللهِ، فَسَكَتَ. ثُمَّ سَأَلْتُهُ فَسَكَتَ. ثُمَّ سَأَلْتُهُ الثَّالِثَةَ فَقَالَ: سَأَلْتُ عَنْ ذَلِكَ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَقَالَ: «عَلَيْكَ بِكَثْرَةِ السُّجُودِ لِلَّهِ، فَإِنَّكَ لَا تَسْجُدُ لِلَّهِ سَجْدَةً، إِلَّا رَفَعَكَ اللهُ بِهَا دَرَجَةً، وَحَطَّ عَنْكَ بِهَا خَطِيئَةً» قَالَ مَعْدَانُ: ثُمَّ لَقِيتُ أَبَا الدَّرْدَاءِ فَسَأَلْتُهُ فَقَالَ لِي: مِثْلَ مَا قَالَ لِي: ثَوْبَانُ.

Waxa wariyay Muslim.
Xadiis Saxiix ah.
Sharraxa

Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ayaa la weydiiyey camal sabab u noqonaya galitaanka janada, ama camalka Ilaahay ugu jecel yahay? Wuxuu ku yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ninkii su'aasha weydiiyey: joogtee inaad badsato sujuuda salaada dhexdeeda, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin, dambina wuu kaaga dhaafin.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

Qofka muslimka waxaa lagu boorinayaa inuu ku dadaalo salaada faral iyo sunaba, sujuuda ku jirta awgeed.

Xadiiska waxaa ku cad fahamka asaxaabta iyo inay cilmi u lahaayeen inaan janada lagu helayn -naxariista Ilaahay ka dib- hadii aan la camal falan.

Sujuudu waa asbaabta ugu wayn ee darajada kor loogu qaado, dambiyadana lagu dhaafo.

Marjica

Saxiix Muslim. (1/ 353) (488).

(4/ 205).

Siyaadin (9)

كنوز رياض الصالحين.

لمجموعة من الباحثين.

بهجة الناظرين.

لسليم الهلالي (1/ 188).

نزهة المتقين.

لمجموعة من الباحثين (1/ 137).

شرح رياض الصالحين.

لابن عثيمين (2/ 105).

شرح النووي على مسلم.