9 : 98
وَمِنَ ٱلۡأَعۡرَابِ مَن يَتَّخِذُ مَا يُنفِقُ مَغۡرَمٗا وَيَتَرَبَّصُ بِكُمُ ٱلدَّوَآئِرَۚ عَلَيۡهِمۡ دَآئِرَةُ ٱلسَّوۡءِۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٞ
Reer miyigaana (Madiina hareeraheeda ah) waxaa ka mid ah kuwo u arka waxay bixiyaan inuu yahay ganaax (iyo khasaaro), oo idinla suga belaayo (idinku dhacda), dushooda (bay ahaan) belaayada wareegta. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.