2 : 49
وَإِذۡ نَجَّيۡنَٰكُم مِّنۡ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ يَسُومُونَكُمۡ سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِ يُذَبِّحُونَ أَبۡنَآءَكُمۡ وَيَسۡتَحۡيُونَ نِسَآءَكُمۡۚ وَفِي ذَٰلِكُم بَلَآءٞ مِّن رَّبِّكُمۡ عَظِيمٞ
(Xusuusta) markaan idinka badbaadinnay dadkii Fircoon , ee idin dhadhansiiyey cadaab tan u daran, iyagoo dilayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna (si ay ugu adeegtaan), waxaana taas ku sugnaa imtixaan weyn xagga Rabbigiin ah.
Explanation & meanings · 1
- Fircoon waa naynaas lagu magacabi jirey boqorradii Masar ee waa’ hore jirey, waxaa ku soo arooray taariikhda in Fircoonkii xukumayey Masar waagii Muuse uu ahaa Menephthan ina Ramsiis.