Skip to content
يُونس /

Aayad 92

10 : 92

Aayad 92 of يُونس (10 : 92). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

يُونس Aayadaha 109
Suurad · يُونس
Soomaaliga · Yacob
10 : 92

فَٱلۡيَوۡمَ نُنَجِّيكَ بِبَدَنِكَ لِتَكُونَ لِمَنۡ خَلۡفَكَ ءَايَةٗۚ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلنَّاسِ عَنۡ ءَايَٰتِنَا لَغَٰفِلُونَ

Maanta Waxaanu badbaaadin jirkaaga si aad ugu noqoto calaamo kuwa kaa dambeeya. Intooda badanse dadku Aayadahayaga way ka dhoohan yihiin.

Explanation & meanings · 1
  1. Wuxuu Alle badbaadiyey Fircoon jirkiisii.Taariikhyahannada waxay yidhaahdaan: Markuu Alle harqiyey Fircoon, waxaa laga helay jirkiisa xeebta badda, maxaa yeelay Fircoon wuu argagaxay reer Banii Israa’iil. Waxaad ogtihiin in marka uu qofku jiro qof uu ka cabsado inuusan qalbigiisu xasileyn ilaa uu arko isaga oo halaagsamay oo dhintay mooyee, maxaa yeelay shaydaanku waxa uu qalbigiisa gelin karaa in Fircoon fakaday, Fircoonna uu idiin soo noqon doono Banii Israa’iilow. Marka hadalkiisa: (kuwa idinka dambeeya) wuxuu ula jeedaa: reer banii Israa'iil, sidaa awgeed waxba kama jiraan inay meydkiisa heleen masriyiintii oo ay xafidaan ilaa hadda, iyadoo la sheego inuu yaal matxaf ku yaal Masar. Waa been arrinkaasi aan waxba ka jirin ee lagu dago dadka makasta ah.