عربي - Arabic English Qafár af - Afar Afrikaans - Afrikanns Akan Shqip - Albanian አማርኛ - Amharic Հայերեն - Armenian অসমীয়া - Assamese Azərbaycanca - Azerbaijani Bamanankan - Bambara Bassa Bemba বাংলা - Bengali Bosanski - Bosnian Български - Bulgarian မြန်မာဘာသာ - Burmese Bisaya - Cebuano Cham Нохчий - Chechen chiCheŵa - Chewa 中文 - Chinese Адыгэбзэ - Circassian Hrvatski - Croatian Česky - Czech Dagbani Dansk - Danish فارسی دری - Dari Dendi ދިވެހި ބަސް - Dhivehi Nederlands - Dutch إستوني - Estonian Suomi - Finnish Français - French Fulfulde - Fula ქართული - Georgian Deutsch - German Ελληνικά - Greek ગુજરાતી - Gujrati Kreyòl ayisyen - Haitian Creole Hausa हिन्दी - Hindi Magyar - Hungarian Igbo Indonesia - Indonesian Italiano - Italian 日本語 - Japanese Jóola - Jola ಕನ್ನಡ - Kannada Қазақша - Kazakh ភាសាខ្មែរ - Khmer Kikuyu Ikinyarwanda - Kinyarwanda Ikirundi - Kirundi 한국어 - Korean كوردی سۆرانی - kurdish كوردي kurmancî - Kurmanji Kyrgyz ລາວ - Lao latviešu - Latvian Lingala lietuvių - Lithuanian Luganda Македонски - Macedonian Maguindanaon Malagasy - Malagasy Bahasa Melayu - Malay മലയാളം - Malayalam Mandinka मराठी - Marathi Mõõré - Moore नेपाली - Nepali أنكو - NKo Norwegian ଓଡ଼ିଆ - Odia oromoo - Oromo پښتو - Pashto فارسی - Persian Polski - Polish Portuguese ਪੰਜਾਬੀ - Punjabi Română - Romanian Русский - Russian Српски - Serbian Shona සිංහල - Sinhala Slovenščina - Slovenian Soomaaliga - Somali Soninke Sesotho - Sotho Español - Spanish Kiswahili - Swahili Svenska - Swedish Tagalog Тоҷикӣ - Tajik தமிழ் - Tamil తెలుగు - Telugu ไทย - Thai ትግረኛ - Tigrinya Türkçe - Turkish Ukrainian اردو - Urdu ئۇيغۇرچە - Uyghur Ўзбек - Uzbek Việt Nam - Vietnamese Wolof Yao Yorùbá - Yoruba Zarma زولو - Zulu
38 Xadiis
Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga
Qaybaha
Darajada xadiiska
Lagu weriyey
Weriye
Muuji dhammaan weriyayaasha (20)
"Lacagta ugu fadliga badan ee uu ninku bixiyo waa lacagta uu ku masruufo ciyaalkiisa, iyo lacagta uu ku bixiyo neefkiisa uu jihaadka ugu tala galay, iyo lacagta uu ku bixiyey asxaabtiisa jihaadka ay kuwada jiraan" Abuu Qilaaba ayaa yiri: wuxuu ku bilaabay caruurta, hadana wuxuu yiri abuu Qilaaba: ninkeeba ka fadli badan nin masruufay caruur yar-yar, way ku deeqtoomayaan, ama Ilaahay baa ku anfacaya lacagtaas wayna ku kaaftoomayaan.
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
" Waxay la mid yihiin kan la fadhiya nin Saalix ah iyo kan la fadhiya nin Xun sida kan sitaCcatarka Miskiga iyo kan Dabka afuufaya, kan Catarka Miskiga sita: waa inuu kuu mariyo ama aad ka iibsatid, ama aad ka heshid Caraf udgoon, kan Dabka afuufayana: waa inuu Dharka kaa gubo ama ay kaa soo gaarto Ur qarmuun".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Qofka tukada labada salaadood ee qabaw janaduu galayaaa."
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Waxaad taako taako iyo dhudhun dhudhun u raacaysaan dariiqii ay jideeyeen kuwii idinka horeeyey, xataa haday galaan god abeeso lugaley waad raacaysaan" waxaan ku niri: Rasuulka Ilaahayow ma yuhuud iyo nasaaraad u jeedaa? wuxuu yiri: " yaa kale?".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Ma idiin sheegaa war ku saabsan dajaal, iyadoo uusan jirin Nabi qoomkiisa uga waramay? dajaal waa weershe, wuxuu la imaandoonaa wax aad moodid jano iyo naar, mida uu leeyahay waa jano waa naar, waanan idiinka digayaa dajaal sida Nabi Nuux uga digay qoomkiisii ".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
In Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu tukanaayo wuxuu kala fogayn jiray labadiisa gacmood, ilaa ay muuqato cadaanta labadiisa kilkilo.
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
Waxaan la kulmay Thowbaan oo ah mawlihii (adeegihii) Rasuulka (kii Nabigu xoreeyey), waxaan ku iri: ii sheeg camal aan falo oo Ilaahay janada igu geliyo? ama wuxuu yiri: waxaan ku iri: camalka Ilaahay ugu jecel yahay, wuu aamusay. hadana waan weydiiyey wuu aamusay. mar saddexaad baan weydiiyey wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan weydiiyey su'aashaa, wuxuuna yiri: "Ilaahay darti sujuuda u badi, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin dambina wuu kaaga dhaafin" wuxuu yiri Macdaan: hadana waxaan la kulmay Abu dardaa waxaana weydiyey -su'aashaas- wuxuuna igu yiri: sidii Thowbaan ii sheegay oo kale.
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ayaan u dhigay biyo qubays, waxaanan ku asturay maro, biyihii wuxuu ku shubtay gacmihiisa oo dhaqay, hadana biyuu ku qaatay midigtiisa oo bidixdiisa ku dhaqay farjigiisa, ka dibna gacmihiisuu dhulka ku masaxay, wuuna dhaqay, wuuna luq-luqday oo san daarsaday, wajiga iyo gacmuhuu dhaqay, ka dibna biyihiibuu madaxa iskaga shubay ilaa uu jirka oo dhan wada gaarsiiyey, markaasuu in yar ka durkay meeshii uu ku qubaysanayey, luguhuuna dhaqay markaasaan, maro u soo dhiibay igamana qaadan maradii, wuu baxay isagoo gacmihiisa biyaha ka firdhinaaya.
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay