Skip to content
38 Xadiis

Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga

Shaandhee natiijooyinka

14 ka mid ah 38 kaadh

Tirtir shaandhaynta
"Qofka Ilaahay u tasbiixsada (dhaha: subxaana Allaah) Salaad kasta gadaasheed 33 jeer, ee Ilaahay ku xamdiya (dhaha: Alxamdu lilaah) 33 jeer, ee Ilaahay u Takbiirsada (dhaha: Allaahu akbar) 33 jeer, intaasi waa 99, ee ku dhamaystira inuu dhaho : laa Ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shay'in qadiir, waxaa laga dhaafaa dambiyadiisa haba le'ekaadeene daad xoorta badda."
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
Rasuulka Ilaahayow, waxaan u aragnaa in jihaadku u fadli badan yahay camalka ee ma jihaadnaa? wuxuu ku yiri: "maya, laakiin jihaadka u fadli badani waa: xajka lagu baarinimo falay."
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Albukhaari.
Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ayaan u dhigay biyo qubays, waxaanan ku asturay maro, biyihii wuxuu ku shubtay gacmihiisa oo dhaqay, hadana biyuu ku qaatay midigtiisa oo bidixdiisa ku dhaqay farjigiisa, ka dibna gacmihiisuu dhulka ku masaxay, wuuna dhaqay, wuuna luq-luqday oo san daarsaday, wajiga iyo gacmuhuu dhaqay, ka dibna biyihiibuu madaxa iskaga shubay ilaa uu jirka oo dhan wada gaarsiiyey, markaasuu in yar ka durkay meeshii uu ku qubaysanayey, luguhuuna dhaqay markaasaan, maro u soo dhiibay igamana qaadan maradii, wuu baxay isagoo gacmihiisa biyaha ka firdhinaaya.
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Waxaan calankaan siindoonaa bari nin Ilaahay gacmihiisa ku furidoono, kaasoo Ilaahay iyo Rasuulkiisa jecel, Ilaahay iyo Rasuulkiisuna jecel yihiin", wuxuu yiri -Sacad-: dadku waxay baryeen habeekii iyagoo ku murmaya kee loo dhiibidoonaa, markii waagu baryey ayey ku soo kalaheen Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyagoo qof walba uu rabo in loo dhiibo, wuxuu yiri: "aaway Cali Binu Abii Daalib?" waxay ku dhaheen: Rasuulkii Ilaahayow, indhahaa xanuunaya, wuxuu yiri: "u yeera", waana loo keenay, Rasuulka ayaa kaga tufay indhaha wuuna u duceeyey, wuuna bogsaday isagoo la moodo inuusan xanuusan, calankii ayuu u dhiibay, Cali ayaa yiri: Rasuulkii Ilaahayow, ma waxaan la dagaalamaa ilaa ay anagoo kale noqdaan? wuxuu yiri: "tartiib u soco ilaa aad degtid goobtooda, ka dibna ugu yeer Islaamka, una sheeg waxa ku waajibaya ee xaqa Ilaahay ah, Ilaahay baan ku dhaartaye in Ilaahay kugu soo hanuuniyo hal nin, ayaa kaaga kheyr badan inaad yeelato geel cas-cas".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
" Nin mu'umin ahi gabar mu'uminad ah yaanu dhaqan ku nicin, haduu dhaqan xumo ku dhibsado wuxuu ka helaayaa dhaqan kale oo uu ku jeclaado" ama waxaa yiri: " qayrki".
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
Nabigaan -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan raacay wuxuuna gaaray qashin qub reerood , isagoo taagan ayuu kaadshay, waan ka fogaaday wuxuu igu yiri: "soo dhawow" waana u soo dhawaaday ilaa aan istaagay cirbihiisa, wuuna wayso qaatay wuuna masaxay labadiisa khuf.
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay