Skip to content
38 Xadiis

Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga

Shaandhee natiijooyinka

10 ka mid ah 38 kaadh

Tirtir shaandhaynta
Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu salaada xirto in yar ayuu aamusi jiray, intaanu akhrinta bilaabin, waxaan ku iri Rasuulkii Ilaahayow, aabahay iyo hooyadayba lagugu furaye iiga waran aamuskaaga u dhexeeya xirashada salaada iyo akhrinta, maxaad tiraahdaa? wuxuu yiri: "waxaan dhahaa: Allahayow kala fogee aniga iyo dambiyadayda sidaad u kala fogaysay bari iyo galbeed, Allahayow dambiyadayda iga daahiri sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, Allahayow igaga dhaq dambiyadayda baraf, biyo iyo biyo qabow".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Sima sufuuftiina, safka oo la simo salaada dhamaystirkeeda ayey ka mid tahay."
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
" Markaad xaaraysaan ha u jeensanina qiblada, hana u daba jeedinina qiblada, laakiin bari iyo galbeed u jeesta" wuxuu yiri Abuu Ayuub: waxaan tagnay shaam waxaan ka helnay musqulo loo jeediyey xaga qiblada waanan ka leexanaynay, Ilaahayna waan danbi dhaaf waydiisanayney
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Yaanu midkiin ku qaban midigtiisa guskiisa isagoo kaadinaaya, oo yaanu midigtiisa isaga tirin najaasada, oo yaanu ku neefsan weelka uu ku cabayo.
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku yiri: haweenay reer ansaar ah oo Ibnu Cabaas magaceeda sheegay ee aan ilaaway magaceeda: (maxaa kuu diiday inaad nala xajido?) waxay tiri: waxaan lahayn labo awr oo keliya, mid waxaa ku xajiyey odaygeyga iyo wiilkeyga, wuxuuna nooga tagay mid aan ku dhaan sano, wuxuu yiri: (markuu ramadaanku soo galo cumrayso, cumrada ramadaanku xaj ayey u dhigantaaye).
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu kor u qaadi jiray gacmihiisa ilaa meel ku aadan garbihiisa markuu salaada xiranaayo, iyo haduu rukuuca u takbiirsado, iyo haduu madaxiisa kor uga soo qaadayo rukuuca, sidaas oo kale ayuu gacmihiisa kor ugu qaadi jirey, wuxuuna dhahaayey: "Ilaahay wuu maqlaa qofkii ku xamdiya, Rabiyow aday mahadi kuu sugnaatay", sidaana kuma samayn jirin sujuuda.
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
Rasuulka Ilaahayow, waxaan u aragnaa in jihaadku u fadli badan yahay camalka ee ma jihaadnaa? wuxuu ku yiri: "maya, laakiin jihaadka u fadli badani waa: xajka lagu baarinimo falay."
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Albukhaari.
Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ayaan u dhigay biyo qubays, waxaanan ku asturay maro, biyihii wuxuu ku shubtay gacmihiisa oo dhaqay, hadana biyuu ku qaatay midigtiisa oo bidixdiisa ku dhaqay farjigiisa, ka dibna gacmihiisuu dhulka ku masaxay, wuuna dhaqay, wuuna luq-luqday oo san daarsaday, wajiga iyo gacmuhuu dhaqay, ka dibna biyihiibuu madaxa iskaga shubay ilaa uu jirka oo dhan wada gaarsiiyey, markaasuu in yar ka durkay meeshii uu ku qubaysanayey, luguhuuna dhaqay markaasaan, maro u soo dhiibay igamana qaadan maradii, wuu baxay isagoo gacmihiisa biyaha ka firdhinaaya.
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay