عربي - Arabic English Qafár af - Afar Afrikaans - Afrikanns Akan Shqip - Albanian አማርኛ - Amharic Հայերեն - Armenian অসমীয়া - Assamese Azərbaycanca - Azerbaijani Bamanankan - Bambara Bassa Bemba বাংলা - Bengali Bosanski - Bosnian Български - Bulgarian မြန်မာဘာသာ - Burmese Bisaya - Cebuano Cham Нохчий - Chechen chiCheŵa - Chewa 中文 - Chinese Адыгэбзэ - Circassian Hrvatski - Croatian Česky - Czech Dagbani Dansk - Danish فارسی دری - Dari Dendi ދިވެހި ބަސް - Dhivehi Nederlands - Dutch إستوني - Estonian Suomi - Finnish Français - French Fulfulde - Fula ქართული - Georgian Deutsch - German Ελληνικά - Greek ગુજરાતી - Gujrati Kreyòl ayisyen - Haitian Creole Hausa हिन्दी - Hindi Magyar - Hungarian Igbo Indonesia - Indonesian Italiano - Italian 日本語 - Japanese Jóola - Jola ಕನ್ನಡ - Kannada Қазақша - Kazakh ភាសាខ្មែរ - Khmer Kikuyu Ikinyarwanda - Kinyarwanda Ikirundi - Kirundi 한국어 - Korean كوردی سۆرانی - kurdish كوردي kurmancî - Kurmanji Kyrgyz ລາວ - Lao latviešu - Latvian Lingala lietuvių - Lithuanian Luganda Македонски - Macedonian Maguindanaon Malagasy - Malagasy Bahasa Melayu - Malay മലയാളം - Malayalam Mandinka मराठी - Marathi Mõõré - Moore नेपाली - Nepali أنكو - NKo Norwegian ଓଡ଼ିଆ - Odia oromoo - Oromo پښتو - Pashto فارسی - Persian Polski - Polish Portuguese ਪੰਜਾਬੀ - Punjabi Română - Romanian Русский - Russian Српски - Serbian Shona සිංහල - Sinhala Slovenščina - Slovenian Soomaaliga - Somali Soninke Sesotho - Sotho Español - Spanish Kiswahili - Swahili Svenska - Swedish Tagalog Тоҷикӣ - Tajik தமிழ் - Tamil తెలుగు - Telugu ไทย - Thai ትግረኛ - Tigrinya Türkçe - Turkish Ukrainian اردو - Urdu ئۇيغۇرچە - Uyghur Ўзбек - Uzbek Việt Nam - Vietnamese Wolof Yao Yorùbá - Yoruba Zarma زولو - Zulu
38 Xadiis
Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga
Qaybaha
Darajada xadiiska
Lagu weriyey
Weriye
"Maalin Qoraxi soo baxdo waxaa ugu khayr badan Maalinta Jimcaha, iyadaa Aadam la abuuray, iyadaana Janada la geliyey, iyadaana laga soo saaray, Qiyaamuhuna dhicimaayo Maalin aan Jimce ahayn".
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee nin reer Najdi ah ayaa u yimid oo Madax basaasan, oo aan maqlaynay Codkiisa weyn, oo aanan fahmayn wuxuu sheegaayo ilaa uu u soo dhawaaday Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waaba isagoo Islaamka wax ka waydiinaya, wuxuu yiri Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "Salaado Shan ah Maalintii iyo Habeenkii" wuxuu yiri: waxaan iyaga ahayn miyaa igu waajiba? wuxuu ku yiri: "maya, adigoo Suno tukada maahee, iyo Soonka Bisha Ramadaan", wuxuu yiri: Soon kale ma la igu leeyahay? wuxuu ku yiri: "maya, adigo Suno Sooma maahee, wuxuuna u sheegay Rasuulku Sakada, wuxuu yiri wax kale-oo Sako ah- ma la igu leeyahay? wuxuu ugu Jawaabay: "maya, adigo Sadaqada badsada maahee", wuxuu yiri -Dalxa-: ninkii waa islaabay oo dhaqaaqay, isagoo dhahaya: Ilaahay ayaan ku dhaartee intaa waxna ku darimaayo waxna ka dhimi maayo, Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa yiri: "wuu liibaanay haduu ka run sheego".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Waxaad taako taako iyo dhudhun dhudhun u raacaysaan dariiqii ay jideeyeen kuwii idinka horeeyey, xataa haday galaan god abeeso lugaley waad raacaysaan" waxaan ku niri: Rasuulka Ilaahayow ma yuhuud iyo nasaaraad u jeedaa? wuxuu yiri: " yaa kale?".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Ma idiin sheegaa war ku saabsan dajaal, iyadoo uusan jirin Nabi qoomkiisa uga waramay? dajaal waa weershe, wuxuu la imaandoonaa wax aad moodid jano iyo naar, mida uu leeyahay waa jano waa naar, waanan idiinka digayaa dajaal sida Nabi Nuux uga digay qoomkiisii ".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Qofka muslim ka ah marka lagu su'aalo qabriga dhexdiisa su'aalaha: wuxuu qirayaa shahaadateynka (Ashhadu allaa ilaaha ilaa Allaah wa ash hadu ana Maxamed Rasuulu Allaah", waana hadalka Ilaahay yiri: {Ilaahay wuxuu ku sugayaa kuwa iimaanka leh hadalka xaqa ah ee sugan nolosha aduunka iyo mida aakhiroba} [ suurada ibraahim: 27].
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Arinkaani (islaamka) wuxuu gaaridoonaa Habeenka iyo Maalintu halkay gaaraan, Ilaahay dayn maayo guri magaalo iyo
Guri baadiye midna ee wuu galin Diintiisa, wuxuu ku galin sharafta mid sharaf leh ama dulinimada mid duli ah, sharaf uu Ilaahay ku sharfayo Islaamka, iyo dulayn uu Ilaahay ku dulaynayo kufriga" wuxuu dhihi jiray Tamiim addaari: aarinkaa waxaan ku ogaaday oo aan ku arkay qaraabadayda, dhab ahaan khayr iyo sharaf bay heleen kuwa Islaamay, kuwa gaalnimo ku harayna waxaa haleelay duli, quursi iyo jisyo.
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Axmed.