Skip to content
38 Xadiis

Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga

Shaandhee natiijooyinka

5 ka mid ah 38 kaadh

Tirtir shaandhaynta
"Maalin Qoraxi soo baxdo waxaa ugu khayr badan Maalinta Jimcaha, iyadaa Aadam la abuuray, iyadaana Janada la geliyey, iyadaana laga soo saaray, Qiyaamuhuna dhicimaayo Maalin aan Jimce ahayn".
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee nin reer Najdi ah ayaa u yimid oo Madax basaasan, oo aan maqlaynay Codkiisa weyn, oo aanan fahmayn wuxuu sheegaayo ilaa uu u soo dhawaaday Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waaba isagoo Islaamka wax ka waydiinaya, wuxuu yiri Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "Salaado Shan ah Maalintii iyo Habeenkii" wuxuu yiri: waxaan iyaga ahayn miyaa igu waajiba? wuxuu ku yiri: "maya, adigoo Suno tukada maahee, iyo Soonka Bisha Ramadaan", wuxuu yiri: Soon kale ma la igu leeyahay? wuxuu ku yiri: "maya, adigo Suno Sooma maahee, wuxuuna u sheegay Rasuulku Sakada, wuxuu yiri wax kale-oo Sako ah- ma la igu leeyahay? wuxuu ugu Jawaabay: "maya, adigo Sadaqada badsada maahee", wuxuu yiri -Dalxa-: ninkii waa islaabay oo dhaqaaqay, isagoo dhahaya: Ilaahay ayaan ku dhaartee intaa waxna ku darimaayo waxna ka dhimi maayo, Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa yiri: "wuu liibaanay haduu ka run sheego".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Waxaad taako taako iyo dhudhun dhudhun u raacaysaan dariiqii ay jideeyeen kuwii idinka horeeyey, xataa haday galaan god abeeso lugaley waad raacaysaan" waxaan ku niri: Rasuulka Ilaahayow ma yuhuud iyo nasaaraad u jeedaa? wuxuu yiri: " yaa kale?".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Ma idiin sheegaa war ku saabsan dajaal, iyadoo uusan jirin Nabi qoomkiisa uga waramay? dajaal waa weershe, wuxuu la imaandoonaa wax aad moodid jano iyo naar, mida uu leeyahay waa jano waa naar, waanan idiinka digayaa dajaal sida Nabi Nuux uga digay qoomkiisii ".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Qofka muslim ka ah marka lagu su'aalo qabriga dhexdiisa su'aalaha: wuxuu qirayaa shahaadateynka (Ashhadu allaa ilaaha ilaa Allaah wa ash hadu ana Maxamed Rasuulu Allaah", waana hadalka Ilaahay yiri: {Ilaahay wuxuu ku sugayaa kuwa iimaanka leh hadalka xaqa ah ee sugan nolosha aduunka iyo mida aakhiroba} [ suurada ibraahim: 27].
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay