Skip to content
38 Xadiis

Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga

Shaandhee natiijooyinka

38 ka mid ah 38 kaadh

Tirtir shaandhaynta
" Nin mu'umin ahi gabar mu'uminad ah yaanu dhaqan ku nicin, haduu dhaqan xumo ku dhibsado wuxuu ka helaayaa dhaqan kale oo uu ku jeclaado" ama waxaa yiri: " qayrki".
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
Nabigaan -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan raacay wuxuuna gaaray qashin qub reerood , isagoo taagan ayuu kaadshay, waan ka fogaaday wuxuu igu yiri: "soo dhawow" waana u soo dhawaaday ilaa aan istaagay cirbihiisa, wuuna wayso qaatay wuuna masaxay labadiisa khuf.
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Arinkaani (islaamka) wuxuu gaaridoonaa Habeenka iyo Maalintu halkay gaaraan, Ilaahay dayn maayo guri magaalo iyo Guri baadiye midna ee wuu galin Diintiisa, wuxuu ku galin sharafta mid sharaf leh ama dulinimada mid duli ah, sharaf uu Ilaahay ku sharfayo Islaamka, iyo dulayn uu Ilaahay ku dulaynayo kufriga" wuxuu dhihi jiray Tamiim addaari: aarinkaa waxaan ku ogaaday oo aan ku arkay qaraabadayda, dhab ahaan khayr iyo sharaf bay heleen kuwa Islaamay, kuwa gaalnimo ku harayna waxaa haleelay duli, quursi iyo jisyo.
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Axmed.
Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa marayey dariiqa makka, wuxuu maray buur la dhoho Jumdaan, wuxuu yiri: "socda kani waa jumdaane, sabaqal mufariduun way hor mareen kuwa Ilaahay xusa" waxay dheheen: mufaridiintu waa maxay Rasuulka Ilaahayow? wuxuu yiri: "waa raga iyo dumarka xuska Ilaahay badiya".
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
"Ha xiranina Xariirta iyo Diibaajka, hana ku cabina Weelasha Dahabka iyo Fidada ka samaysan, hana ku cunina wax xeerooyinka labadaa ka samaysan, waayo Gaaladaa Aduunka wax ku cuna inaguna Aakhiraan leenahay."
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- ayaa la weydiiyey ninka u dagaalama geesinimo, kan ku dagaalama qabyaalad iyo kan ku dagaalama is tustus, keebee dar Ilaahay dagaalkiisu ahaanayaa? wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "midka u dagaalama si ay kalimada Ilaahay kor u ahaato ayaa dar Ilaahay u dagaalamay."
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay