Skip to content
38 Xadiis

Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga

Shaandhee natiijooyinka

38 ka mid ah 38 kaadh

Tirtir shaandhaynta
"Qofka Ilaahay u tasbiixsada (dhaha: subxaana Allaah) Salaad kasta gadaasheed 33 jeer, ee Ilaahay ku xamdiya (dhaha: Alxamdu lilaah) 33 jeer, ee Ilaahay u Takbiirsada (dhaha: Allaahu akbar) 33 jeer, intaasi waa 99, ee ku dhamaystira inuu dhaho : laa Ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shay'in qadiir, waxaa laga dhaafaa dambiyadiisa haba le'ekaadeene daad xoorta badda."
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
"U deg-dega camalka saalixa ah inta aanay idinku imaan fitnooyinka la moodo qayb Habeen ah oo Mugdi ah, oo ninku Waabariisanaayo isagoo Muumin ah oo Galabaysanaayo isagoo Gaal ah ama uu Galabaysanaayo isagoo Muumin ah oo uu Waabariisanaayo isagoo Gaal ah, oo uu Diintiisa ku iibsanaayo xoogaa Aduunyo ah.
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
Rasuulka Ilaahayow, waxaan u aragnaa in jihaadku u fadli badan yahay camalka ee ma jihaadnaa? wuxuu ku yiri: "maya, laakiin jihaadka u fadli badani waa: xajka lagu baarinimo falay."
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Albukhaari.
Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa ku soo baxay xalaqo oo asaxaabtiisu fadhiyeen, wuxuuna ku yiri: "maxaa idin fariisiyey? waxay dheheen: Ilaahay ayaan xusaynaa, una mahad naqaynaa Islaamka uu nagu hanuniyey darteed, oo uu nagu galadaystay Islaamka, wuxuu ku yiri: "ma idinku walaahi baa inaydaan wax kale u fariisan?" waxay dheheen: walaahi waxaan kaas ahayn uma aanaan fariisan, wuxuu yiri: "idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabee, laakiin waxaa ii yimid malakul Jibriil, wuxuuna ii sheegay, in Ilaahay- isagaa wayne- idiinku faanayo malaa'igtiisa."
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
"Majiro cudur iskii u kala gudba, majirto in la baasaysto shimbiraha ama guumeysta iyo in la baasaysto bisha safar, ugana carar qofka qaba juudaanka sidaad uga cararto libaaxa."
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Lacagta ugu fadliga badan ee uu ninku bixiyo waa lacagta uu ku masruufo ciyaalkiisa, iyo lacagta uu ku bixiyo neefkiisa uu jihaadka ugu tala galay, iyo lacagta uu ku bixiyey asxaabtiisa jihaadka ay kuwada jiraan" Abuu Qilaaba ayaa yiri: wuxuu ku bilaabay caruurta, hadana wuxuu yiri abuu Qilaaba: ninkeeba ka fadli badan nin masruufay caruur yar-yar, way ku deeqtoomayaan, ama Ilaahay baa ku anfacaya lacagtaas wayna ku kaaftoomayaan.
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
" Waxay la mid yihiin kan la fadhiya nin Saalix ah iyo kan la fadhiya nin Xun sida kan sitaCcatarka Miskiga iyo kan Dabka afuufaya, kan Catarka Miskiga sita: waa inuu kuu mariyo ama aad ka iibsatid, ama aad ka heshid Caraf udgoon, kan Dabka afuufayana: waa inuu Dharka kaa gubo ama ay kaa soo gaarto Ur qarmuun".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Qofka tukada labada salaadood ee qabaw janaduu galayaaa."
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay