Skip to content
38 Xadiis

Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga

Shaandhee natiijooyinka

9 ka mid ah 38 kaadh

Tirtir shaandhaynta
Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu salaada xirto in yar ayuu aamusi jiray, intaanu akhrinta bilaabin, waxaan ku iri Rasuulkii Ilaahayow, aabahay iyo hooyadayba lagugu furaye iiga waran aamuskaaga u dhexeeya xirashada salaada iyo akhrinta, maxaad tiraahdaa? wuxuu yiri: "waxaan dhahaa: Allahayow kala fogee aniga iyo dambiyadayda sidaad u kala fogaysay bari iyo galbeed, Allahayow dambiyadayda iga daahiri sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, Allahayow igaga dhaq dambiyadayda baraf, biyo iyo biyo qabow".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Maalin Qoraxi soo baxdo waxaa ugu khayr badan Maalinta Jimcaha, iyadaa Aadam la abuuray, iyadaana Janada la geliyey, iyadaana laga soo saaray, Qiyaamuhuna dhicimaayo Maalin aan Jimce ahayn".
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
"Ma idin tusaa waxa Ilaahay dambiyada ku dhaafo oo darajaada Qofka kor loogu qaado?" waxay dheheen haa, Rasuulkii Ilaahayow, wuxuu yiri:"waa Waysada oo lagu xeel dheeraado Waqtiyada Waysada la dhibsado, Talaabada oo loo badiyo xaga Masaajida iyo Salaada ka dib oo la sugo Salaada xigta, taasi waa iyado Jihaad loo darban yahay.
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
"Sankiisu ha booroobo (haddulloobo), sankiisu ha booroobo, sankiisu ha booroobo", waxaa lagu yiri: waa kee? Rasuulkii Ilaahayow wuxuu yiri: "waa qofka soo gaara labadiisa waalid iyagoo gaboobay, midkood ama labadaba ee aan janada galin".
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
"Qofka Ilaahay u tasbiixsada (dhaha: subxaana Allaah) Salaad kasta gadaasheed 33 jeer, ee Ilaahay ku xamdiya (dhaha: Alxamdu lilaah) 33 jeer, ee Ilaahay u Takbiirsada (dhaha: Allaahu akbar) 33 jeer, intaasi waa 99, ee ku dhamaystira inuu dhaho : laa Ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shay'in qadiir, waxaa laga dhaafaa dambiyadiisa haba le'ekaadeene daad xoorta badda."
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
"U deg-dega camalka saalixa ah inta aanay idinku imaan fitnooyinka la moodo qayb Habeen ah oo Mugdi ah, oo ninku Waabariisanaayo isagoo Muumin ah oo Galabaysanaayo isagoo Gaal ah ama uu Galabaysanaayo isagoo Muumin ah oo uu Waabariisanaayo isagoo Gaal ah, oo uu Diintiisa ku iibsanaayo xoogaa Aduunyo ah.
Xadiis Saxiix ah. Waxa wariyay Muslim.
"Majiro cudur iskii u kala gudba, majirto in la baasaysto shimbiraha ama guumeysta iyo in la baasaysto bisha safar, ugana carar qofka qaba juudaanka sidaad uga cararto libaaxa."
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Ma idiin sheegaa war ku saabsan dajaal, iyadoo uusan jirin Nabi qoomkiisa uga waramay? dajaal waa weershe, wuxuu la imaandoonaa wax aad moodid jano iyo naar, mida uu leeyahay waa jano waa naar, waanan idiinka digayaa dajaal sida Nabi Nuux uga digay qoomkiisii ".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay