Skip to content
38 Xadiis

Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga

Shaandhee natiijooyinka

20 ka mid ah 38 kaadh

Tirtir shaandhaynta
"Waxaan calankaan siindoonaa bari nin Ilaahay gacmihiisa ku furidoono, kaasoo Ilaahay iyo Rasuulkiisa jecel, Ilaahay iyo Rasuulkiisuna jecel yihiin", wuxuu yiri -Sacad-: dadku waxay baryeen habeekii iyagoo ku murmaya kee loo dhiibidoonaa, markii waagu baryey ayey ku soo kalaheen Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyagoo qof walba uu rabo in loo dhiibo, wuxuu yiri: "aaway Cali Binu Abii Daalib?" waxay ku dhaheen: Rasuulkii Ilaahayow, indhahaa xanuunaya, wuxuu yiri: "u yeera", waana loo keenay, Rasuulka ayaa kaga tufay indhaha wuuna u duceeyey, wuuna bogsaday isagoo la moodo inuusan xanuusan, calankii ayuu u dhiibay, Cali ayaa yiri: Rasuulkii Ilaahayow, ma waxaan la dagaalamaa ilaa ay anagoo kale noqdaan? wuxuu yiri: "tartiib u soco ilaa aad degtid goobtooda, ka dibna ugu yeer Islaamka, una sheeg waxa ku waajibaya ee xaqa Ilaahay ah, Ilaahay baan ku dhaartaye in Ilaahay kugu soo hanuuniyo hal nin, ayaa kaaga kheyr badan inaad yeelato geel cas-cas".
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
Nabigaan -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan raacay wuxuuna gaaray qashin qub reerood , isagoo taagan ayuu kaadshay, waan ka fogaaday wuxuu igu yiri: "soo dhawow" waana u soo dhawaaday ilaa aan istaagay cirbihiisa, wuuna wayso qaatay wuuna masaxay labadiisa khuf.
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
"Ha xiranina Xariirta iyo Diibaajka, hana ku cabina Weelasha Dahabka iyo Fidada ka samaysan, hana ku cunina wax xeerooyinka labadaa ka samaysan, waayo Gaaladaa Aduunka wax ku cuna inaguna Aakhiraan leenahay."
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay
Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- ayaa la weydiiyey ninka u dagaalama geesinimo, kan ku dagaalama qabyaalad iyo kan ku dagaalama is tustus, keebee dar Ilaahay dagaalkiisu ahaanayaa? wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "midka u dagaalama si ay kalimada Ilaahay kor u ahaato ayaa dar Ilaahay u dagaalamay."
Xadiis Saxiix ah. Xadiis la isku waafaqay