مقدمة وغلاف المنتقى من موسوعة الأحاديث النبوية
Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allaah Naxariista guud iyo mida gaarka ahba naxariista.
Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allaah Naxariista guud iyo mida gaarka ahba naxariista.
Horudhac
Mahad oo dhan Allaha Rabul caalamiinka ah ayaa iska leh, Ilaahay naxariis iyo nabad gelyo ha siiyo Nabigeena Maxamed, ehelkiisii, asaxaabtiisii dhamaantood, iyo inta wanaaga ku raacday ilaa maalinta qiyaame, intaa ka dib:
Waxa ugu wayn ee ay tahay inuu muslimku ku dadaalo, Akhris ahaan, u fiir-fiirsi iyo ka fakarid, barasho iyo ku camal fal-kitaabka Ilaahay ka dib- waa sunada Rasuulka -Salaa Allaahu calayhi wasalam, Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: (Waxaan idiinka tegay dadow, wax hadaad qabsataan, aydaan waligiin lumayn: waa kitaabka Ilaahay ,iyo sunada Nabigiisa). waxaa wariyey Imaam maalik , Ilaahay sareeye wuxuu yiri: (Waxaa Rasuulku idiin la yimid qaata wuxuu idinka reebana ka taga) [Suurada Al xashri: 7] Sidaa darteed ayay ku dadaashay Jimciyadda adeega tarjamada nuxurka maadooyinka Islaamiga ah ee afafka kala duwan, iyo Jimciyadda dacwada iyo wacyi gelinta Jaaliyadaha ee Rabwa diyaarinta Mawsuuco wayn oo lagu uruuriyey Axaadiista Nabiga scw, isla markaana lagu tarjumo tiro luuqado ah.
Ilaahay sareeye wuu fududeeyey in laga xusho masuucadaas axaadiis qofka muslimku ugu baahan yahay diintiisa iyo aduunyadiisaba, , iyadoo ay jirto mowsuucada oo la soo gaabiyey oo la cadeeyay oo la sharxay macnaheeda, waxaay tusinayso, iyo faa'idooyinkeeda qaar ka mida, iyo in lagu soo saaray kitaabkaan lagu magacaaba: (Xulka Mawsuucada Axaadiista Nabiga scw.) Waxaa socota shaqo ah in mawsuucadaas lagu tarjumo dhamaan luuqadaha nool ee aduunka, si nafaceedu caam u noqdo Basharkana lagu gaarsiiyo luuqadahooda sunada Rasuulka -sallallaahu calayhi wasalam-.
Ilaahay ayaan waydiisanaynaa inuu camalkaan naga aqbalo, kana dhigo camal barakaysan, Allaha kariimka ahna u khaalis ah, hana ka ajar siiyo cid walba oo ka caawisay diyaarintiisa, tarjumidiisa iyo faafintiisa.
Nabigeena Maxamed ahaa naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato.
War bixin kooban
Axaadiista Nabigu scw waa masdarka labaad ee ka mida masaadirta Shareecada Islaamka. Ilaahay sareeye wuxuu yiri: (Nabigu scw hawadiisa kuma hadlo (3) Wax kale maahee waa waxyi loo waxyooday ) [Suurada Anajmi: 3-4].
Xulkaan laga soo xulay mawsuucada xadiista waxaa ku jira koox axaadiis ah oo Jawaamic ah, oo qofka muslimiku ugu baahan yahay diintiisa iyo aduunyadiisaba iyadoo ay jirto mawsuucadaas oo la soo gaabiyey oo la cadeeyey, oo la sharxay macnaheeda iyo waxay tusayso iyo faa`iidooyinkeeda qaar ka mida oo loo tarjumay tiro luuqadaha nool ee aduunka si nafaceedu caam u noqdo laguna gaarsiiyo Basharka luuqadooda sunada Nabiga scw.